Bangiga Adduunka ayaa ka digay in dagaalka Ruushka uu ku qaaday Ukraine uu keeni karo masiibo caalami ah .
Dagaalka ayaa saameyn ballaaran ku leh wax soo saarka cuntada wuxuuna bangiga Aduunka uu sheegay sicirka kor u kacaya uu keeni doono in malaayiin dad ah ay sabool noqdaan.
Madaxa Bangiga adduunka ayaa u sheegay BBC-da in caalamka uu wajahayo masiiboka imanaaysa cunto la’aan ka dhalaneysa faragalinta Ruushka ee Ukraine .
David Malpass ayaa ka digay in qiimaha sare u kacaya ay ka dhalan karto faqrinimo iyo nafaqo la’aan soo foodsaarta malaayiin dad ah
Boqolkiiba toddoba ayuu sicirka cuntadu kor u kacay wuxuuna Mr Malpass sheegay in hore ay u jirtay cunto ku filan caalamka laakiin haatan xaaladuhu isbedelayaan …
Office Nairobi Kenya