Bangiga Adduunka oo markale somaliya ugu deeqay 40 milyan.

0

Waxaa Bangiga aduunka uu soomaaliya ugu deeqay malaayiin Dollar ah, taasi oo soomaaliya u noqonaysa taageero dhaqaale si ay uga soo kabsato dhibaatada dhaqaale ee hayay 30-kii sano ee la soo dhaafay.

Lacagtaan oo gaareysa illaa 40 milyan ayaa waxaa Soomaaliya u saxiixay guddiga agaasimeyaasha hay’adaha bangiga adduunka, si loogu caawiyo dowladda federaalka.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Bangiga Aduunka ayaa waxaa lagu sheegay in lacagtan aqeyb ka tahay maaliyada deg-dega ah ee Soomaaliya looga taageerayo la-dagaalanka Ayaxa oo haatan fara ba’an ku haya gobollo badan oo ka tirsan dalka.
Sidoo kale qoraalkan oo la soo dhigay barta Internet-ka ee Bangiga Adduunka ayaa waxaa lagu muujiyey in ay taageradaasi qeyb ka tahay barnaamijka jawaab-celinta deg-dega ee looga hortagayo khatarta Ayaxa, laguna xoojinayo nidaamka u-diyaargarowga ee dalalka Afrika iyo bariga dhexe ee ay waxyeellada Ayaxa baabi’iyey dhul-beereedka.

Todobaadkii hore ayey aheyd markii Bangiga Adduunka uu Soomaaliya u ansixiyey lacag gaareysa 55 milyan oo Dollar, taas oo lagu kaabayo miisaaniyadda dowladda ee 2020.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilewb@gmail.com

TEL 00252618895064

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here