Bangiga Adduunka Oo Xukuumada Ka Taageeraya Dib U Hebeynta Tamarta Iyo Kheyraadka Biyaha

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Jama Taqal ayaa la kulmay madaxa Bangiga Adduunka ee Soomaaliya Kristina Svensson.

Wasiirka ayaa madaxa Bangiga Adduunka ee Soomaaliya ugu warbixiyay dadaallada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay ugu jirto sidii shacabka Soomaaliyeed loogu heli lahaa tamar jaban iyo adeegyo biyo hufan oo waara.

Kulanka ay wada qateen Wasiir Jama Taqal iyo madaxa Bangiga Adduunka ee Soomaaliya ayaa udub dhaxaad u noqon doona Mashaariicda Socda ee uu Bangigga Adduunka ka taageero Soomaaliya iyo sidii loo fududeyn lahaa horumaradaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here