Bankiga Adduunka oo sheegay in xanuunka safmarka ah coronavirus uu saameyn ku yeeshay dhaqaalaha Afrika

0

Bankiga Adduunka ayaa sheegay in xanuunka safmarka ah ee coronavirus uu saameyn ku yeeshay dhaqaalaha Afrika ee sida adag u soo kabanayay tobankii sano ee la soo dhaafay.

Wuxuu bankigu sheegay in saameyntaas ay sababi doonto in dhaqaalaha Afrika uu sanadkan hoos u dhaco 3.3%.

Balse bankiga ayaa sheegay in sanadka soo socda uu soo kaban karo dhaqaalaha.

Afrika ayaa iska caabbisay xanuunka, iyadoo kiisaska fayraska ee qaaradda ay ka yar yihiin inta badan kuwa laga soo sheegayo qaaradaha kale.

Balse xayiraadaha looga gol leeyahay yareynta faafitaanka fayraska ayaa saameyn dhaqaale ku yeeshay dalal badan, sida Koofur Afrika.

Bankiga Adduunka ayaa ka digay in ilaa 40 milyan oo Afrikaan ah ay wajihi karaan saboolnimo daran.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here