Bannaanbaxayaal dab qabadsiiyay xarunta xisbiga Kurdyiinta ee KDP Ciraaq

0

Taageerayaasha xoogagga ay taageerto Iran ee Hashd al-Shaabi ee Iraq ayaa dab qabadsiiyay Sabtidii, xafiisyada xisbiga Dimoqoraadiga Kurdiyiinta ee magaalada Baghdad.

Banaanbaxayaasha caasimadda Iraq ayaa ka carooday hadal horraanta bishan kasoo yeeray sarkaal ka tirsan xisbiga KDP ee Hoshyar Zebari ahaana wasiirkii hore ee arrimaha dibadda, kaas oo yiri dowladda waa in maleeshiyada kooxda Hashd al-Shaabi, ay ka nadiifisaa aagga cagaaran ee Baghdad,

Wuxuu tilmaamay in howl muhiima ay tahay, in kooxaasi magaalada laga saaro, maadaama meel sharciga ka baxsan ay ku shaqeynayeen sida uu hadalka u dhigay.

Waaxda arrimaha dibadda ee Maraysaknka ayaa warqoraal ah kasoo saartay, weerarkii kooxda caanka ah ee Hashd al-Shaabi, ay ku qaadday xafiisyada xisbiga KDP.

Morgan Ortagus oo ah, afhayeenka Waaxda arrimaha dibadda ayaa sheegay in awoodda xorriyad u hadalka iyo doodaha ay udub dhexaad u yihiin Dimoqoraadiyadda, xisbiyada siyaasadeedna ay tahay inay awood u yeeshaan inay qabtaan doodo adag iyagoo aan ka baqeynin maleeshiyaadka iyo dambiilayaasha.

Afhayeenka ayaa sheegay in dhamaan xisbiyada ay ku boorrinayaan inay u dhaqmaan si mas’uuliyad ay ku dheehantahay inta lagu jiro xaaladdadan adag, xilli Iraq ay horayba ula daalaa dhacaysay masiibada ka dhalatay qalqalka dhaqaale iyo halista sii socota ee kaga imaanaysa kooxda ISIS.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here