Waxaa magaalada Muqdisho gaar ahaan Degmada Hodon iyo H/wadaag ka socda saacadihii la soo dhaafay barakac aad u xoogan, oo dadka degaankaas ay doonayaan in ay Naftooda kala cararaan dagaalka laga cabsi qabo in uu mar kale ka dhex Qarxo Ciidamada Diidan mudo kororsiga iyo kuwa doonaya

Wararka ayaa sheegaya in Qaar ka mid dadka ku nool Xaafadda Siigaale ee Degmada Hodan ee gobolka banaadir ay bilaabeen inay ka Barakacaan guryahooda,iyagoo ka cabsi qaba in korkooda lagu duldagaalamo.

Waxaa la arkayay Hooyooyin iyo Carruur iyagoo korka ku sita Alaab yar oo ay ka qaateen guryahooda oo Nabad ay ku daganaayeen wixii ka horeeyay 48kii saac ee la soo dhaafay.

sidoo kale Qaar ka mid ah dadka aroortii hore ka barakacay ayaa sheegay in jawi cabsi ah laga dareemayo xaafadahooda, waxay sheegeen in xaafadaha ay deganaayeen dhufeysyo laga sameystay

Aaggaga dhufeysyada laga qoday waxa kamid ah xaafado ku yaala degmooyinka Hodan, Hawlwadaag iyo Cabdicasiis, waxana lagu arkayaa rag aad hubeysan oo wata gaadiidka dagaalka.

.

Office Nairobi Kenya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here