Wararka ka imaanaya daganaa degmada Raaga-ceelle ee gobalka Shabeelada dhexe ayaa sheegaya in xalay ay ka baxeen degmadaas shacabkii dagaanaa intooda badan,  kadib markii markale Al-shabaab ku soo dhawaadeen degmada.

Goobjoogayaal ku sugan degmada Raaga-ceelle ayaa  saxaafada u sheegay  in dadkii daganaa halkaasi ay u barakaceen deegaano ka tirsan Shabeellada Dhexe.

Al-Shabaab ayaa la sheegay in ay damacsanyihiin in ay markale soo galaan gudaha degmada oo ay joogaan goob aan ka fogeen.

Sidoo kale Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo is garabsanaya ayaa shalay  dib ugu laabtay deegaanka Raage-Ceelle,  kadib markii shabaab ka baxeen halkaas.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here