XIGASHO LAACIB.NET
Barcelona ayaa u ogolaatay daafaceeda dhexe Ronald Araujo inuu muddo aan la cayimin ka maqnaado kooxda, kaddib markii uu 26-jirka reer Uruguay codsaday waqti uu kaga nasto dhibaatooyin dhanka maskaxda oo uu la tacaalayay toddobaadyadii dambe.
Ilo ka ag dhow ciyaaryahanka ayaa sheegaya in Araujo uusan dareemayn “sidiisii hore” muddo, iyadoo kaadhkii casaa ee uu qaatay kulankii Champions League ee Chelsea iyo dhaleecayntii xoogganeyd ee xigtay ay noqotay halkii ay wax ka kaceen.
Inkasta oo uu jir ahaan 100% u diyaarsan yahay, haddana Araujo wuxuu si cad uga codsaday Barcelona in la fasaxo si uu dib ugu soo kabto, codsigaas oo ay kooxda isla markiiba ogolaatay, maadaama uu yahay tallaabada ugu fiican ee mustaqbalka ciyaaryahanka.
Madaxweynaha Barcelona, Joan Laporta, oo hadal taageero leh jeediyay Jimcihii, ayaa yiri:
“Waxaan rabaa inaan dhiirrigeliyo oo difaaco Araujo. Waxaa loo dhaleeceeyay si xad-dhaaf ah, mana aha wax cadaalad ah.
Dhiigga ayuu noo shubaa, waa kabtankeenna, waa qof dareen badan. Waxaan nahay hal koox oo wada guuleysata ama wada guuldareysata.”
Tababaraha Hansi Flick, agaasimaha ciyaaraha Deco iyo hoggaanka kooxda ayaa dhammaantood si buuxda u taageeray Araujo, waxaana loo fududeeyay caawinaad dhanka cilmunafsiga ah si uu u helo daryeelka uu u baahan yahay.
XIGASHO LAACIB.NET
