HomeCiyaarahaBarcelona oo go’aan lama filaan ah kasoo saartay mustaqbalka Raphinha

Barcelona oo go’aan lama filaan ah kasoo saartay mustaqbalka Raphinha

XIGASHO LAACIB.NET

Madaxweynaha Barcelona, Joan Laporta, iyo agaasimaha ciyaaraha ee kooxda ayaa si cad u diiday dalab weyn oo dhan 100 milyan oo Yuuro oo uga yimid kooxda Al-Hilal ee dalka Sucuudiga, kuwaas oo doonayay inay la saxiixdaan xiddiga reer Brazil ee Raphinha.

Dalabkan ayaa ka koobnaa 80 milyan oo go’an iyo 20 milyan oo gunno ah, taas oo lala xiriiriyay wadahadalladii dhowaan dhex maray labada kooxood ee ku saabsanaa amaahda Joao Cancelo.

In kasta oo lacagtan ay wax weyn ka tari lahayd dhibaatada dhaqaale ee Barcelona, haddana maamulka kooxda iyo tababare Hansi Flick ayaa isku raacay in Raphinha uusan iib ahayn. Raphinha oo hadda ah 29 jir, heshiisna kula jooga kooxda ilaa sannadka 2028, ayaa loo arkaa mid ka mid ah tiirarka ugu muhiimsan ee kooxda, gaar ahaan ka dib bandhiggii cajiibka ahaa ee uu ka sameeyay kulankii xalay ee ay 5-0 kaga badiyeen Athletic Bilbao, halkaas oo uu labo gool dhaliyay.

Flick ayaa aaminsan in saameynta Raphinha ay ka weyn tahay goolasha iyo caawinta uu sameeyo, maadaama uu yahay hoggaamiye dhab ah oo ku dhex jira qolka labiska, ayna si weyn uga go’an tahay inuu dardar-geliyo falsafadda kooxda. Barcelona waxay door biday inay xajisato tayada ciyaaryahanka intii ay lacagtaas qaadan lahayd, iyadoo kooxdu hadda u diyaargaroobeyso finalka Super Cup-ka ee Axadda dhici doona.
XIGASHO LAACIB.NET
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -