Kooxda Barcelona ayaa talaabo u qaaday ku guulaysiga horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan kadib markii ay garaaceen kooxda Elche.
Goolal ay dhaliyeen Lewandowiski (2), Fati iyo Torres ayaa Barcelona u dhaliyay goolasha ay ku ay ku garaacday kooxda Elche.
Guushan ayaa Barcelona ka caawiysa rikoodh cajiib ah oo ay kaga fiicantahay dhamaan kooxaha ka ciyaara horyaalada waaweyn ee qaarada yurub.
Barcelona ayaa badisay kulankii 12-aad ee ay marti ahayd horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan kadib markii ay garaacday kooxda Elche oo ay marti u ahayd.
Sidaas darteed Barcelona ayaa noqotay kooxda kaliya ee 12 kulan oo marti ah badisay 5-ta horyaal ee ugu waaweyn yurub xilli ciyaareedkan.
Barcelona ayaa la bar-baro ah kooxda Napoli oo sidoo kale badisay 12 kulan oo marti ah horyaalka Talyaaniga



