XIGASHO LAACIB.NET
Kooxda Barcelona ayaanan qorsheyneynin inay sameyso wax saxiixyo dheeraad ah inta ka dhiman suuqa kala iibsiga xagaagan, haddii aysan imaanin fursad suuqa ah oo muhiim ah, sida ay sheegayaan ilo u dhow waaxda ciyaaraha ee kooxda.
Iyadoo kooxda haatan ku sugan tahay safar is-diyaarin ah oo Asia ah — halkaasoo ay kula ciyaari doonaan Vissel Kobe, Seoul FC, iyo Daegu FC — Deco ayaa weli jooga Barcelona si uu u xalliyo arrimaha harsan ee suuqa, gaar ahaan kuwa la xiriira bixitaanka ciyaartoyda.
Kooxdu waxay dhameystireysaa heshiiska Pau Víctor oo ku biiraya kooxda Braga iyadoo la filayo in si rasmi ah loo shaaciyo maalmaha soo socda.
Si kastaba ha ahaatee, mustaqbalka Oriol Romeu oo ah khadka dhexe iyo Iñaki Peña oo ah goolhayaha labaad weli lama caddeynin, iyadoo aysan jirin go’aan kama dambeys ah oo laga gaaray.
Inkasta oo waaxda ciyaaraha ay sii wadaan la socodka fursadaha suuqeed, ma jiro qorshe rasmi ah oo lagu kordhinayo saxiixyada kooxda, ilaa iyo haddii ay soo baxdo fursad aan laga faa’iidaysan karin.
Tani waxay muujinaysaa in Barcelona ay diiradda saarayaan hagaajinta miisaaniyadda, xoojinta kooxdii hore iyo jarista mushaharka xad-dhaafka ah, halkii ay ka geli lahaayeen suuq furan oo xad dhaaf ah.
