XIGASHO LAACIB.NET
Manchester United ayaa isha ku haysa xiddiga reer Brazil ee Raphinha, oo ka tirsan Barcelona, iyada oo qayb kaga dhigtay qorshayaasheeda lagu xoojinayo khadka weerarka mustaqbalka dhow, kaddib markii ay si dhow ula socotoy waqti fog bandhiggiisa cajiibka ah ee uu ka sameeyay kooxda Catalan-ka.
Sida ay sheegayaan ilo ku dhow United, maamulka Barcelona ayaa dalbanaya ku dhowaad 120 milyan oo yuuro si ay u tixgeliyaan suurta-galnimada iibinta ciyaaryahanka, taasoo muujinaysa sida ay ugu dheggan yihiin adeegiisa iyo qiimaha weyn ee uu ku leeyahay mashruuca ciyaareed ee kooxda.
Raphinha waxa uu heshiis soconaya ilaa xagaaga 2028 kula jiraa Barca, waxaana xiddiga reer Brazil uu marar badan si cad u muujiyay rabitaankiisa ah inuu sii joogo Blaugrana inta ugu macquulsan, isaga oo adkeeyay daacadnimadiisa iyo ka go’naanshihiisa mashruuca kooxda.
Xaaladdan awgeed, qorshaha Manchester United ayaa u muuqda mid aad u adag, gaar ahaan iyadoo Barcelona ay ku adkeysanayso sii haysashada ciyaaryahanka, isla markaana Raphinha laftiisu uu doonayo inuu sii wato safarkiisa Camp Nou.
XIGASHO LAACIB.NET
