HomeCiyaarahaBarcelona oo xaqiijisay in lacagta Nico Williams ay diyaar u tahay –...

Barcelona oo xaqiijisay in lacagta Nico Williams ay diyaar u tahay – tariikhda rasmiga ah ee ay bixineyso lacagta oo la shaaciyay

LAACIB.NET

Kooxda Barcelona ayaa si rasmi ah u xaqiijisay in ay heystaan lacagta lagu burburinayo qandaraaska Nico Williams, balse waxay sugayaan furitaanka sanad maaliyadeedka cusub ee 2025/26 si ay u bixiyaan.

Sida laga soo xigtay Mundo Deportivo, Barça ma bixin doonto qaddarka €58.5m ee lagu burburinayo qandaraaska xiddiga Athletic Club bishan Juun, si aysan u kordhin kharashaadka sanadka maaliyadeed ee 2024/25.

Kooxda ayaa go’aansatay in ay lacagta bixiso 9-ka Luulyo, taas oo la jaanqaadaysa bilowga sanad maaliyadeedka cusub.

Madaxweynaha Barcelona Joan Laporta ayaa arrintan xaqiijiyay, isagoo yiri:

“Haddii ay suuqa ka jirto fursad ay lagama maarmaan tahay in la bixiyo qaanuun, waxaan diyaar u nahay in aan tallaabo qaadno. Barça waa diyaar.”

Dhanka kale, Athletic Club ayaa isku dayaysa in ay cadaadis saarto La Liga si ay uga hortagto Barca in ay bixiso lacagta, balse maamulka horyaalka ayaa ka biyo diiday in ay faragelin ku sameeyaan arrintaas.

Si kastaba, La Liga ayaa sheegtay in ay si taxaddar leh u eegi doonto xisaabaadka Barcelona marka ay isku dayaan in ay diiwaan geliyaan Nico inta u dhexeysa bisha Luulyo iyo Agoosto.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -