NAIROBI (DAYNIILE.COM)-Kulan ay maanta ku yeesheen Magaalada Nairobi waxgarad ka tirsan Beesha Kuumade ayay si kulul uga hadleen war dhawaan ka soo baxay wasiirka Warfaafinta maamulka Puntland Maxamuud Ceydiid Dirir kaasoo shaki geliyay nasabiyada iyo reerka uu ka soo jeediyo Ra’iisulwasaare Xamza.
Odayaasha iyo waxgaradka Beesha Kuumade ee goobta ka hadashay waxay si cad ugu hanjabeen in cid kasta oo hada kadib aflagaadeysa Ra’iisulwasaare Xamsa in taargad ka dhigan doonaan
“Nin kasta oo aflagaado shaqsi ah u gaysta Ra’iisal Wasaare Hamze ha ogaado inuu target noo yahay” ayay ku hanjabeen.
Inkastoo Odayaasha kala hadal kululaayeen haddana qaarkood si degan ayay u hadlayeen xili mid ka mida uu ugu baaqay Sacidi Dani iyo Maxamuud Ceydiid Dirir inay raali gelin bixiyaan.
“Walaalaheen Majeerteen 60 sano iyagaan u sacaba tumeynay hadana 3 sano oo aan Ra’iisulwasaare noqonay waa u dulqaadan la’yihiin”ayuu yiri mid ka mida odayaasha.
“Kuumade Siyaasiyiinta , waxgaradkiisa , dhalinyaradiisa, gabdjhihiisa ,culumadiisa iyo dhamaanba waxaan leeyahay gala dagaalka is daafaca magaciina daafaca ,xaq baad u leedihiin xad-gudba idinma lihi”ayuu yiri odey kale
Odeygaan oo si qiira leh u hadlay wuxuu intaasi ku daray in hadii Xamsa garac lagu tilmaamay in iyaga oo dhan garac noqonayaan hadii aaney wiilkooda difaacin.
“Siyaasiyiinti iyo waxgaradkii Kuumade aaway wiilkaasi ma wacal baa,waryaaya anagoo dhanbaa garac noqoneyna hadii aan laga dhiidhin oo aan wiilkeena difaacn wayno,kuumadee waa la yasay waa inay is muujiyaan” ayuu mar kale ka dhawaajiyay.
Odey kale ayaa dhankiisa ka dhawaajiyay in Puntland wax badan ku matalayeen siyaasada laakiin maanta ay muuqato masayr sida uu sheegay.
“shalay ma C/raxmaan Faroole ayaa dadkeena Itoobiya u dhiibayay oo aan ugu dulqaadaneynay maantana ma Saciid Deni baa noogu daray oo wiil dhulbahante noogu soo dhiibay ku oronaya dheh ra’iisulwasaaraha waxaad tahay garac” ayuu yiri
XAFISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM
