Maxaas (dayniiile.com)-Shir u dhexeeyay siyaasiyaasiyiin ka soo kala jeeda Hiiraan iyo Galgaduud ayaa  shalay galab qorax dhicii ilaa maqribkii wuxuu ka qabsoomay deegaanka Wara-dhuumale oo hoos taga Degmada Maxaas ee  Gobolka Hiiraan.

Siyaasiyiintaan oo kala ah Gudoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cusman,Gudoomiyaha Degmada Guri-ceel Faarax Cabdi Macalin iyo Xildhibaan Jacfar ayay ku matalayeen kulankooda beelaha ay ka soo kala jeedaan ee Xawaadle,Ceyr iyo Mursade.

Advertisement

Siyaasiyiintaan oo hadalo ka jeediyeen kulankan ayaa dhamaantood isku raacay inay iska kaashtaan dagaalka ka dhanka ah Dagaaamayaasha Alshabaab iyo sidii ay isaga sari lahaayeen si wada-jir ah.

Xildibaaan Jacfar oo Beesha Mursade u dhashay ayaa shirka ka sheegay inay kulamo nuucaan hore isugu yimaadeen islamarkaana ay wali Alshabaabkii joogaan dhulkooda.

“shirkaan hanoo ahaado kii ugu danbeeyay aan isugu maanay inagoo dhaheynaa waan iska saareynaa Alshabaab,shirka kan xiga aan isugu imaano inagoo dhaheyna waan iska saarnay”ayuu yiri Xildhinaan Jacfar

Sidaas oo kale Cali Jeyte iyo Faarax ayaa hadalo guubaabo ah iyaganu ka soo jeediyay shirka iyagoona carabka ku adkeeyeen inay dagaalkaan si wada jir u geli doonan.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

No description available.

No description available.No description available.No description available.No description available.

No description available.No description available.No description available.No description available.

Previous articleAnwar Shakuundha oo laga waayay liiska Xulka Qaranka  K/cagta Soomaaliya iyo C/xafiid oo lagu soo daray.
Next articleC/casiis Lafta-gareen oo ka dalbaday kenya.Itobiya iyo Jabuti inay ka caawiyaan dagaalka Alshabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here