Siyaasiyiinta iyo Odayaasha Dhaqanka Beesha Murusade ayaa lagu wadaa in galabta Muqdisho ku yeeshaan shir albaabada u xiran yihiin, oo ay uga arrinsanayaan aayaha beesha iyo sida ay ka yeelayaan wadashaqeynta dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh oo ballamo badan uga baxday.

Xildhibaanada beesha Murusade ayaa wararku sheegayaan in ay ka carreesan yihiin ballamo uu uga baxay Madaxweynaha, oo ka mid aheyd in hal wasiir ka badan ka siinayo xukuumadda iyo sidoo kale in uu siinayo agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha, balse dhagaha ka fureestay kana xirtay albaabada.

Beesha Murusade ayaa xilligan si weyn ugu dulman saami qeybsiga dowladda federaalka, waxaana arrimahaasi sabab looga dhigay xildhibaanada beeshan matala oo u badan kuwa dantooda ugu jira dowladda, balse aan dan ka laheyn xaquuqda iyo aayaha dadka iyo deegaanka ay matalaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here