Beeralayda qaadka Kenya oo ka cabanaya Dowladda Soomaaliya

0

Dowladda Soomaaliya ayaa markii 2aad muddo bil gudaheed ah waxay  hawada Soomaaliya ka celisay diyaarad siday jaad oo laga leeyahay Kenya, laguna eedeeyay iney ku soo xadgudubtay hawadeeda, iyada oo aan wax ruqsad ah ka haysan Soomaaliya.

Saraakiisha hawada u qaabilsan Dowladda Soomaaliya ayaa sheegay  in ay Jimcihii celiyeen dayuurad jaad siday  markiii danbena ay ka degtay dalka Jabbuuti, ka hor inta aysan ku noqon Kenya.

Wargayska Daily Nation ee ka soo baxa Kenya ayaa isaga oo soo xiganaya guddoomiyaha urur ay ku mideysan yihiin ganacsatada jaadka ee Kenya, wuxuu  sheegay in baaraleyda qaadka ay ka cabanayaan qasaare xooggan oo soo gaaray, iyada oo  Diyaaradda la soo celiyey ay siday 11.3 tan oo jaad ah, ayna  ku wajahneyd Puntland.

“Waxay sii martay hawada Jabuuti abaare 10-kii subaxnimo kaddib waxay u sii gudubtay  hawada Itoobiya, wuxuu qorshuhu ahaa inay ku degto Puntland, waxaana lagu amray in dib ay ugu laabato Kenya, waana khaasaarihii ugu xoggaan abid muddo bil gudahood” Ayuu yiri Munjuri.

Soomaaliya ayaa haysata raadaaro caalami ah oo tilmaamaya dayuuradaha hawadeeda soo gala.

 

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here