ilo Xog ogaal ah ayaa sheegaya in markale maanta wakiilada Beesha Caalamka ay uga digeen Rw Rooble iyo xukuumadiisa inay isku dayaan ka shaqaynta mudo kordhin loo sameeyo dhamaan hay’adaha dawlada ee uu waqtigoodu dhamaaday.

Kulankan dhexmaray Rooble iyo Wakiilada Beesha caalamka ayaa ka dhacay Xafiiska Rooble ee Villa Somalia.

Labada dhinac waxay si wayn isula falanqeeyeen in laga wada shaqeeyo inuu guulaysto dadaalada ay maalmahaan wadeen beesha caalamka iyo dhinacyada ay qusayso doorashada Soomaaliya.

Xogta waxay intaas ku daraysaa in Wakiilada Beesha caalamka ay ugu baaqeen Rw Rooble inuu ku biiro kulamadii maalmahaan usocday Madaxda Shanta maamul goboleed oo wali la isku mari la yahay qodobada qaar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here