Warar ku dhaw dhaw Beesha Caalamka ayaa sheegaya inay uqabteen Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday Farmaajo inuu ku aqbalo shirka in lagu qabto Muqdisho.

Dhinaca kale Villa Soalia ayaa qorshaynaysa in ay caawa soosaaraan war ay shirka ugu wareejinayaan Magaalada Baydhabo iyagoo ka cararaya in shirka ay kaqayb galaan dhamaan saamilayda siyaasada.

Culayska saaran Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ayaa sii xoogaysanaya iyadoo ay dhamaan saamilayda iyo Beesha caalamka ay doonayaan in muqdisho la isugu yimaado, marka laga reebi Lafta gareen oo wali aan kaquusan hanka Farmaajo ee uu ku doonayo inuu ku soolaabto.

Saacadaha soo socda waxaa soo bi doona war saxaafadeedyo iyadoo siyaasiyiintu caadaysteen mudooyinkan inay hadlaan saqda dhexe.

Allaw sahal umuuraha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here