Shirka Teendhada ee labadaan maalmood uga socda Garabka Lasafan DFS, Waa astaan Muujinaysa heerka uu gaaray cadaadiska beesha caalamka saartay Madaxda isku haya Xilka Madaxwayne,

Hogaamiyaasha jubbaland iyo puntland oo Garab ka helaya xubnaha kale ee Ay Ku midoobeen Madasha bad-baado ayaa iyagana waxaa saaran culays aan kayarayn kan saaran isbahaysiga DFS,

Isbahaysiga DFS, ayaa isku dayaya Xeelado ay ku bad baadsan karaan Qorshahooda Soo Taxnaay muddada fog ee Maalka iyo Maskaxda lagu bixiyay kuna qotoma Sii joogista Villa Somalia,

Dhinaca Madasha bad-baado ayaa iyagana dedaal ugu jira sidii ay meesha uga saari lahaayeen damaca isbahaysiga DFS, Madasha bad-baado ayaa isku aragta in ay gaartay Guulo biloow ah kadib markii ay isbahaysiga DFS ku qasabtay in lagasoo Saaro Villa Soomaliya Lana wada Fadhiisto Meel ka baxaan,

Si Kastaba Cabsida laga wada qabo Cadaanka xalane ayaa Sababi doonto in xal laga gaaro khilaafka labada dhinac, iyagoo Sabraya Qayb kamid ah Qorshayashooda u gaarka ahaay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here