Beesha Caalamka ayaa markii ugu horeysay waxay si adag kaga hadleen xaalada iska hor imaad ee ka taagan Magaalada Garowe ee u dhexeysa Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid Dani iyo Mucaaradkiisa.
War wada jir uga soo baxay maanta wakiilada dalalka daneeya arimaha Soomaaliya ayay ku muujiyeen walaaca ay ka qabaan xiisada dagaal ee Garowe ka jirta taasoo keentay in shacakii barkacaan.
Warkaan waxaa sidoo kale loogu baaqay dhinacyada is haya inay wada hadal ku dhameeyaan khilaafkooda.
“Waan la soconaa waxa Garowe ka jira, wax mar marsiyo ah looma heli karo in la isu hanjabo iyo in rabshado la abuuro, waxaan leenahay wixii is faham daro ah miiska wada hadalka ha lagu xaliyo”ayaa lagu yiri warsaxaafeeeefka ka soo baxay beesha Caalamka.
Dhanka kale wararku waxay intaas ku darayaan in wafdi ka socda wakiilada Beesha Caalamka ay ku wajahannyihiin Magaalada Garowe si ay dhinacyada ula hadlaan islamarkaana xiisada u xaliyaan.
XAFIISKA WARA4KQ
DAYNIIILE.COM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here