Dhuusa-mareeb (dayniiile.com)-Odayaal u dhashay beesha Cayr ayaa maanta kulan ay yeesheen waxay kaga hadleen dil dhawaan Magaalada Dhuusa-mareeb loogu gaystay laba nin oo ganacsato ahaa.

Odayaashaan oo Beesha Ceyr ka sii ah  jilibka Yabardhowrakace ayaa si rasmi ah u qirtay in  dilkaasi ay gaysteen dhalinyaro reerkooda u dhashay iyagoona raali gelin ka siiyay beesha Saleebeen oo dhibaatada la gaarsiiyay.

Advertisement

Beesha Yabardhowrakace waxay balan qaadeen inay gacanta ku soo dhigi doonaan kooxihii dilkaasi ka danbeeyay islamarkaana ay sharciga hor keeni doonaan.

“waan ka xanuhay dilkaasi waxaana walaalaheen Beesha Saleebaan  uga tacsiyeynaynaa geerida labadasi ganacsade ee walaalaheena ahaa”ayaa lagu yiri warka beesha ceyr ka soo baxay.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleWasiiru Dowlaha Amniga oo maanta furey kulan wadatashi ah oo ku saabsan ka talo bixinta Xeer-nidaamiyayaasha
Next articleMarinka Gaza oo caawa xaalad adag ku jira

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here