Gudoomiyaha Baarlamaanka Dowlada Goboleedka Hirshabelle C/Xakiin Xaaji Luqmaan oo ka soo jeeda Galbeedka Hiiraan ayaa si cad u sheegay inuu Baladweyne u tagay sidii uu u hogaamin lahaa Dagaalo ka dhan ah Alshabaab.

Gudoomiyaha wuxuu xusay in ujeedka safarkiisu kaliya uu yahay sidii ay qeyb uga noqon lahaayeen fulinta awaamiirta Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ee ah iska xoreynta Alshabaab.

Advertisement

“waalaalayaal wax kale uma imaan,booqasho uma imaan kaliya waxaan u imid inaan  qeb ka noqono  dagaalka uu mudada bisha,, ah Madaxweynaha Qaranku u joogo furumaha dagaalka oo ah in la iska dul qaado khawaarijta Alshabaab”ayuu yiri C/xakiin Xaaji Luqmaan

“Hadiiba la yiri beel kasta dhulkeeda haka xoreyso alshabaab waad ogtihiin dhul badan baa noo rahman, waan is fahmeynaa,waxaan rajeynayaa inaan guulo badan gaarno, oo aan la jaan qaado beelaha kale ee Soomaaliyeed” ayuu mar kale yiri

Deegaanada Beeshaai ka degto Hiiraan ayaa intooda badan waxaa gacnta ku haya dagaalamayaasha Alshabaab kuwaasoo in mudo ahba ka talinaayay.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIIILE.COM

Previous articleTaliska Booliiska Xamar oo ka hadlay howlgaladooda +Sawirro
Next articleMaxkamada Gobolka Banaadir oo loo gudbiyay Dacwad ka dhan ah masuuliyiin Dowladeed oo hor leh

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here