Waxaa goor dhow Garoonka Aaddan Cadde ka anbabaxay diyaarado sida ciidamo iyo gawaari dagaal oo qeyb ka noqonaya dagaalka iyo kacdoonka ka dhanka ah kooxda Argagixisada.

Ciidankan oo ah ciidan aad u xoogan ayaa ku sii jeeda Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Ciidamadaan oo hordhac u ah kuwo kale oo berri lagu wado in ay gaaraan halkaas ayaa waxaa hoggaaminaya Xildhibaan Maxamad Abuukar Jacfar iyo Gaashaanle Ismaaciil Cabdimaalik,

Ciidankan ayaa ka qeeyb noqon doona qorshaha howlgalka loogu dhaqaaqaayo dhinaca Degmada Ceelbuur iyagoo marka hore tagaaya maxaas oo deris la ah bartimaameedka ciidanka maanta baxay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here