BALADWEYNE (DAYNIILE.COM)-Wararka ka imaanaya Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Garoonka diyaaradaha Ugaas Khalif si weyn u soo buux dhaafiyeen shacab iyo Masuuliyiin isu diyaarinaya soo dhaweynta Wafdiga Ugaaska Beeshaasi oo siyaasiyiin u badan kuwaasoo lagu wado inay diyaarad geysso Baladweyne.
Siyaasiyiinta Beesha ugu caansan intooda ugu badan ayaa Muqdisho ka baxaya maanta iyagoona ku sii jeeda Baladweyne markii si kulan ugu yeeshaan Baladweyne kadib markii dhawaan ay ka caroodeen go’aankii Madaxweyne Xasan ku doortay Cali Guudlaawe inuu sii hogaamiyo Hirshabelle xili Beesha Xawaadle isu rabeen xilkaasi.
Baraha bulshada waxaa lagu soo bandhigay gaadiid dagaal oo hub cul culus uu saaran yahay iyo ciidamo badan oo Beesha Xawaadle ku soo bandhigtay banaanka Garoonka diyaaradaha Baladweyne,waxayna ku soo aadeysa xili Dabageed si cad ugu sheegay Idaaacada BBC-da inay rabshado ka abuuri doonaan Hirshabelle hadii la isku dayo in deegaanadooda lala soo aado doorashada ay wado Dowlada.
Magaalada Baladweyne waxay si weyn ula ciir ciireysa dhaqdhaqaaq ciidan oo salka ku haya diidmada Cali Guudlaawe,sidoo kale Magaalada waxaa si weyn looga dareemayaa diyaar garowga soo dhaweynta Ugaaska Beesha Xawaadle iyo Siyaasiyiinta la socota sida Dabageed,Sanbaloolshe iyo C.risaaq Cumar.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COMÂ
