HomeCiyaarahaBerbatov oo ka horyimid in Michael Carrick si rasmi ah loo magacaabo...

Berbatov oo ka horyimid in Michael Carrick si rasmi ah loo magacaabo – maxay tahay sababtu?

XIGASHO LAACIB.NET

Halyeeygii hore ee Manchester United, Dimitar Berbatov, ayaa ugu baaqay maamulka kooxda inaysan ku degdegin inay si rasmi ah shaqada ugu dhiibaan tababaraha ku-meel-gaarka ah Michael Carrick, inkastoo uu kooxda ku hoggaamiyay afar guul oo xiriir ah oo Premier League ah.

 

Berbatov oo la hadlay ESPN FC ayaa yiri: “Waxaan ahay qof u janjeera dhankiisa, sababtoo ah waan isla ciyaarnay, waxaana jeclaan lahaa inuu shaqada helo. Laakiin aan sugno ilaa dhammaadka xilli ciyaareedka, haddii ay sidan ku sii socdaan, maxaa diidaya?”

 

Wuxuu tusaale u soo qaatay wixii ku dhacay Ole Gunnar Solskjær, isagoo sheegay in mar hore la arkay shaqadiisa qeyb la mid ah oo aan ku dhammaan sidii la rabay.

Carrick ayaa si weyn u beddelay xaaladda United, isagoo ka adkaaday kooxo waaweyn sida Manchester City, Arsenal, Fulham iyo Tottenham Hotspur, taasoo kooxda gelisay tartanka boosaska Champions League.

Berbatov wuxuu ku amaanay Carrick awoodda uu ula xiriiro ciyaartoyda, isagoo sheegay in hadda ay ku ciyaarayaan kalsooni, hal-abuur iyo isku-duubni. United ayaa Talaadada u safreysa West Ham United iyagoo raadinaya guushii shanaad oo xiriir ah.

XIGASHO LAACIB.NET

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -