Manchester City ayaa diiday dalabka PSG oo ku aadan xiddiga reer Portugal iyadoo seddexleey ku guuleystay ay go’aansadeen inay sii heystaan

Advertisement

 

Manchester City ayaa diiday dalabkii ugu horeeyay ee Paris Saint-Germain oo ku aadan Bernardo Silva, sida la sheegay.

MAXAA DHACAY? Daily Record ayaa ku warameysa in dalabkii ugu horeeyay ee PSG ay ka gudbisay Silva laga soo diiday balse laacibku uu jeclaan lahaa inuu u dhaqaaqo France. Waxaa sidoo kale la sheegay in ay xiiso ka helayaan Saudi Arabia iyo Barcelona laakiin Silva ayaa ka dhigtay Paris dookhiisa koowaad.

PSG ayaa daba galkeeda waxaa hogaaminaya Luis Campos oo ah la taliyaha dhanka kubadda cagta ee kooxda, kaasoo saaxiib dhow la ah Silva, isagoo u saxiixay Monaco 2014kii.

:City ayaa weli rajo ka qabta inay Silva ku qanciso inuu sii joogo kooxda oo ay jeclaan lahayd inuu qandaraaska u kordhiyo. Qandaraaskiisa haatan wuxuu dhacayaa 2025, kooxda ayaana laga yaabaa inay u baahdaan inay ku qasbaan xiddiga heerka caalami ee dalka Portugal inuu go’aan ka gaaro mustaqbalkiisa.

Pep Guardiola Man City 2022-23 biladda Champions League

Luis CamposGetty
MAXAA Xiga? City ayaa wajihi doonta Bayern Munich kulankooda ugu horeeya ee saaxiibtinimo ee isku diyaarinta xilli ciyaareedka 26ka Luulyo

Previous articleInter oo diyaar u ah inay Man Utd heshiis la gaarto Onana
Next articleXaflada Ballon d’Or 2023: Goobta, Taariikhda, Wakhtiga, Jadwalka iyo Sida Loo Daawado Abaalmarinada Kubada Cagta Ugu Weyn yaase ku guuleysan doono

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here