HomeCiyaarahaBernardo Silva oo xaqiijiyay inuu ka tagayo Manchester City

Bernardo Silva oo xaqiijiyay inuu ka tagayo Manchester City

XIGASHO LAACIB.NET

Kabtanka kooxda Manchester City, Bernardo Silva, ayaa xaqiijiyay inuu ka tagi doono kooxda horyaalka Premier League-ga difaacanaysa ee Manchester City marka uu dhammaado xilli-ciyaareedkan.

Tallaabadan ayaa soo afjaraysa sagaal sano oo uu xiddigan reer Portugal ku sugnaa garoonka Etihad. Bernardo Silva ayaa Manchester City u saftay in ka badan 450 kulan dhammaan tartammada kala duwan.

Xiddigan khadka dhexe ayaa u dhaliyay kooxda 76 gool, isagoo caawiyay 77 kale. Muddadii uu joogay, wuxuu ku guuleystay lix horyaal oo Premier League ah iyo hal koob oo Champions League ah.

31-jirkan ayaa sidoo kale liiska koobabkiisa ku darsaday labo koob oo FA Cup ah, shan koob oo Carabao Cup ah, saddex koob oo Community Shield ah, iyo min hal koob oo ah Koobka Naadiyada Adduunka iyo kan Super Cup-ka Yurub.

Bishii hore ayay ahayd markii Silva isagoo ah kabtanka kooxda uu Manchester City ku hoggaamiyay hanashada koobka Carabao Cup ee 2026-ka, ka dib markii ay ka adkaadeen kooxda Arsenal.

XIGASHO LAACIB.NET

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -