Madaxwayne Farmaajana waa ku adag tahay in in uu baarlamaanka hortiisa ka qirto fashilkiisa isna casilaa,

Waxay u badan tahay in Madaxwaynaha Jeediyo Hadal u badan Waan dedaalay waxaase jira caqabado taagan oo ay wadaan dad uu ku tilmaamo Nabaddiid, kadibna baarlamaanka u jeediyo laba mid taasoo ah in Ay ka noqdaan go’aankoodii u darsashada Ama Xal kale u raadiyaan Caqabadaha Taagan,

Xubnaha baarlamaanka ee bah ku darsasho,waxay Niyadda ku hayaan in haddii Madaxwayne Farmaajo ka tanaasulo hogaanka doorashada iskana wareejiyo in ay Xumaanayso Rajadooda soo laabasho, Taa sababkeed Waxay Madaxwaynaha ku qasbi doonaan in uusan ka tanaasulin Maamulka doorashada iyo hogaankeeda,

Sida kaliya ee Aan ubadinayo maantana ay rabaan bah ku darsasho waa in ay sii fogeeyaan Qalalaasha Taagan dibna udhigaan doorashada ilaa lagu Qasbanaado in lahelo Dowlad Wadaag ah oo sii shaqayso inta laga gaarayo doorasho heshiis lagu yahay,

Waxay xoogga Saari doonaan in baarlamaanka doorto Guddoon Cusub kadibna Madaxwayne la doorto, taasoo la macno ah in Ay Soo laaban karaan Guddoonka hada & Waliba Madaxwayanaha,

Taasi Waa sida ay rabaan bah ku darsasho, waana in ay Xaaladda gaarsiiyaan Marka hore meel Fog oo qatar ah, si beesha caalamka oo Ka ordaysa qatartaas u ogolaato Waqti doorasho lagu qabto & Dowlad Wadaag lagusii gaaro waqtigaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here