Madaxwaynaha waan kula dhagnay sidii uu rabay gaarka u ahayd, waana kasoo fujinay, balse dadkii aan dhahnay iyaga halooga dambeeyo ayaa hadana darbi kala booday, qaarkeen waxay joogaan inagaa sabab u ahayn in ay darbiga kala boodaan ee u daaya, halka kiwa kale leeyihiin kadaba booda oo bowdada kudhaga,

Sida muuqata Rooble markii uu dagaal lagalay Farmaajo waxaa fariinka uga booday maamul goboleedyada labada ah,wixii kadambeeyay shirkii baaqday ee Garoowe kulahaayeen Maamul goboleedyada loogana tashan rabay rooble & farmaajo, waxaa baraarugay rooble oo isku arkay nin Qatar madaxa lagalay, waa arinta keentay in uu dib ula midoobo farmaajo,

Dagaalka siyaasiga ah ee hada taagan lugtana kuleh doorashada waa mid udhaxeeya labada maamul ee Puntland & Jubbaland iyo Rooble sadaxda maamul goboleed kale.

Taas waxaa fursad labaad ka helay Madaxwayne Farmaajo, sidoo kale waxaa jira dhanka midowga musharixiinta qaar ku haftay siyaasadda gadgadoonka badan & qaar si taxadar leh ula jaanqaaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here