Gaza (dayniiile.com)-Waxaa maanta xirantay mudo hal bil ah dhibaato aan kala joogsi lahayn iyo xasuuq arxan daro ah oo lagu hayay shacabka reer Falastiin madaama dagaalka Xamaas iyo Isra’iil uu soo bilowday 7-dii Oktobar 2023 halka maantana ay tahay  7 November 2023.

Weerarkii 7-da Okrober oo dagaalyahanada Xamaas ku qaadeen Yuhuuda ayna ku dileen 1400 israa’iiliyiin ah sidoo kalana ay ku soo qafaasheen ku dhawaad 300 maxaabiis ah ayaa looga aargudanayaa xasuuqa nuucaan ah halka dunida oo dhana ay daawaneyso.

Advertisement

Hadaba wasaarada Caafimaadka Dalka Falastiin gaar haan maamulka Gaza ayaa soo saaray tira koobkii ugu danbeeyay dadka ilaa iyo hada ku shahiiday duqeymaha Gaalada Israa’iil geysatay.

Dhimashada ayaa lagu sheegay kun iyo Laba iyo Labaatan (10,022) ruux oo intooda badan ah dad maras ah sida caruur,haween,curyaan iyo waayeel kuwaasoo dhamaantood ku shahiideen duqeymahaasi.

Sidoo kale tira koobka wasaarada caafimaadka Falastiin waxaa lagu sheegay in shacabkaani la xasuuqay 6746  ka mida ay yihiin caruur iyo haween.

Caruurta waxaa la sheegay inay yihiin 4,104 halka dumarkuna yihiin 2,642.

Dhanka kale dadka dhaawacmay ee isbitaalada yaal ayaa xisaabtooda lagu sheegay 25,408.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here