Gaza (dayniiile.com)-Hay’ada Bisha Cas ee ka howlgasha Marinka Gaza ee dhulka reer Falastiin ayaa warbaahinta u sheegeen dhibaatada ka heysata gar-gaar gaarsiinta shacabka Falastiin.

Nebal Farsakh oo ah afhayeenka Ururka Bisha Cas ee Falastiin ayaa u sheegay TV-ga Aljazeera in gargaarka ay helaan uu aad u yaryahay marka loo eego baahida Gaza ka jirta.

Advertisement

 “Waxaan helnaa kaliya 10% gargaarka loo baahan yahay Gaza”ayuu yiri  Nebal Farsakh oo ah afhayeenka Ururka Bisha Cas ee Falastiin.

Masuulkaan bisha Cas wuxuu sidoo kale sharaxaad ka bixiyay dhibaatada shacabka ka heysata laba helista laba arin oo muhiim u ah noloshooda waa mida koowaad amni gaar ahaan meel ay gabaad kaga galaan duqeymaha iyo mida kale oo noloshii sidi ay u heli lahaayeen quudkooda.

“waxau halgan joogto ah ugu jiraa badbaadada iyo baahiyaha aasaasiga ah, sida cuntada iyo biyaha, iyadoo meelaha ay gabaad ka galaan duqeymaha ciidamada Israel ay sii yaraanayaan”ayuu yiri Afhayeenka Bisha Cas

. “Shalay, kumanaan Falastiiniyiin ah oo ku sugan Khan Younis kuwaas oo gabaad ka dhiganaya Xarunta  Bisha Cas ee Falastiin waxay u baxeen dhanka Rafah, halka kumanaan kalena ay yimaadeen isla meeshii kuwii hore ka baxeen ee bisha hoyga bisha Cas, Meel nabdoon ma jirto.”ayuu mar kale yiri Nebal Farsakh oo ah afhayeenka Ururka Bisha Cas ee Falastiin.

Hay’ada Bisha Cas waxay dhanka kale sheegtay inay aad uga cabsi qabto in gaajadu  khatar ku keento shacabka reer Falastiin ee ku dhaqan marinka Gaza.

Source News: Aljazeera

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Palestinians wounded in the Israeli bombardment of the Gaza Strip are brought to the hospital in Deir al Balah

Previous articleAntonio Guterres oo awoodiisa u isticmaalaya joojinta dagaalada Gaza
Next articleWAR DEG DEG AH: Madaxweynaha Puntland oo u tanaasulay Mucaaradkiisa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here