Ciidamada Booliiska Dowlad Goboleedka Hirshabelle ayaa ku guuleystay inay gacanta ku soo dhigaan kooxo burcad hubeysan ah oo xalay waqtigi danbe wadada u galay gaari safar ahaa.

Ciidamadaan oo ah kuwa Saldhiga Degmo Xeebeedka Caddale ee Gobolka Sh.dhexe ayaa soo qabtay dhamaan burcada,hubkii ay wax ku dhaceen iyo waliba agabkii ay qaateen.

Advertisement

Gabar u hadashay dadka safarka ahaa oo lagu magacaabo Nuuro Axmed C/llaahi ayaa u sheegtay TV-ga Qaranka  inay ka soo baxeen xamar kuna sii jeedeen Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug balse xalay abaare 11-kii habeenimo ay burcadu jidka u galeen.

“  markii aan magaalada wax yar ka sii baxeney ayay rasaas  nagu fureen markii loo joojiyay gaariga aya na gaysteen meel duur ah kdibna rag iyo dumar ayay noo kala saareen kadibna waxay naga qaateen wax kasta aan wadanay sida Mobile-da iyo dahab”ayay tiri Nuuro Axmed C/llaahi

Nuura waxay sheegtay inay ahaayeen 6 Rag ah iyo 4 dumar ayna nabad qabaan islamarkaaana waxoddii dib oogu soo celiyay,waxay u mahad-celisay Booliiska.

Taliyaha Booliiska Saldhiga Caddale oo isna la hadlay TV-ga ayaa xusay in tuugadaan ay soo qabteen ay ahaayeen kooxo ay hore ugu raad joogeen.

“dadka safarka ah markii ay noo soo dacwoodeen ayaan baadi goobnnay waana soo helnay burcadii, waxaana la soo qabanay dhamaan alaabtii ay dhaceen,waxaana ku jirey ilaa 8 Moboile”ayuu yiri Taliyaha.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIIILE.COM

No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.

Previous articleTvga dayniile war bixin xasaasi ah ka diyaariyey Beelaha Xawaadle , Habar gidir oo guul ka gaaray dagaalka Alshabaab halka Abgaal iyo Murusade wali moodid in ay hurdayaan
Next articleWasiir iyo Taliye booqday Magaalada Bacaadweyn oo Saaka laga saaray Alshabaab+Sawirro

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here