HomeWarkiiBooliika Hargeysa oo tarxiilaya Itoobiyanka sharci darada ku jooga Hargeysa

Booliika Hargeysa oo tarxiilaya Itoobiyanka sharci darada ku jooga Hargeysa

HARGEYSA (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo Magaalada Hargeysa ee Xarunta Maamulka Somaliland ayaa sheegaya in Booliisku halkaasi ka bilaabeen raa𝐟ka dadka Oromada ah ee ku soo badanaya magaaladaasi kuwaasoo si sharci daro ah ku soo galaya Dalka Somalia.
Ciidamada ayaa la arkayaa iyagoo qab qabanaya Itoobiyaanka Oromada ah kadibna saaraya gaadiid loogu talo galay lagu urursho si ugu danbeyn dalkoodii dib loogu celiyo.
Talaabada uu qaaday maamulka Somaliland ayaa timid kadib markii dhawaan nin oromo ah uu baraha bulshada soo geliyay qoraal xiliuu joogo Magaalada Hargeysa, qoraalka ayuu ku sheegay in marka Taariikhda loo laabto Hargeysa qayb ka ahayd degaankii boqortooyooyinkii hore ee Oromada.
Qoraalka ninkaan ayaa ka careysiiyay shacabka reer Somaliland taasina waxay soo dedejisay in Booliisku qaado talaabadaani lagu tarxiilayo dadka Oromada ah.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
May be an image of 3 people, street and roadMay be an image of 2 people, people playing football and people playing American footballMay be an image of 4 people, road and textMay be an image of 2 people and streetMay be an image of 2 people and ambulanceMay be an image of 1 person, beard and text
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -