NAIROBI (DAYNIILE.COM)-Ismaamulka Nairobi ayaa xabsiga dhigay Booliis Kenyaan ah oo gacan ka gaystay Itoobiyaan badan oo Dalka Kenya ku soo galay si sharci daro ah waliba qaab tahriib oo kale ah.

Saraakiisha waaxda dambi baarista ee ismaamulka Nairobi ayaa qabteen 37 Tahriibayaal Itoobiyaan oo ku dhuumanayay guri ku yaaal aaga Mwihoko ee xaafadda Kayole.

Advertisement

Falkaan waxaa loo qabtay ilaa 4 Booliis Kenyaan ah kuwaaasoo lagu eedeeyay inay garab ku siiyeen tahriibayaashaan Itoobiyaanka ah inay si sharci daro ah ku soo galaan.

Dadka Itoobiyaanka ayaa Afrikaan kale ayaa caadiyan waxay Kenya u galaan inay nolol ka sameystaan,waxaana ugu badan meelaha shaqooyinka ay ka helaan xaafada Islii ee Nairobi madaama dadka Soomaalidu yihiin dad iska dhaqan.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Previous articleYuhuda oo dad shacaba ku leysay Rafax
Next articleSida Hooyadan joogta Qardho ay ugu qaadatay lix bil inay hesho meydka wiilkeedii ay nolosha ku sugeysay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here