Jowhar (dayniiile.com)-Sida lagu soo daabacay Facebook ay leeyihiin Ciidamada ATMIS ee Soomaaliya ka howlgala ayaa lagu baahiyay in Magaalada Jowhar ee Xarunta Dowlad Goboleedka Hirshabelle uu ka furmay Tababar Casri ah.

Tababarkaan waxaa qaadanaya Ciidamamada Booliiska Midowga afria ee ku sugan Magaalada Jowhar kaasoo ah mid casri ah oo qaabiksan dhanka Isgaarsiinta.

Advertisement

Tababarkaan oo ah mid  heersare ah ayaa socon doona muddo afar maalmood ah iyadoona lagu barayo Ciidamadaasi farsamada tignoolajiyada casriga ah ee isgaadhsiinta (ICT).

Mashruuca Tababarkaan waxaa fududaysay Waaxda Caawinta farsamada tignoolajiyada casriga ah ee isgaadhsiinta (FTS) Ee UNSOS.

Tababarku wuxuu ujeedkiisu yahey in kor looqaado xirfada aqooneed ee ICT, si loo hagaajiyo awoodooda isgaadhsiineed iyo guud ahaanba fulinta waajibaadkooda.

Isla Tababarkaani waxaa maalmo ka hor Muqdisho lagu siiyay Ciidamada Midowga Afrika qeybtooda ku sugan Xarunta ugu weyn ee Xalane,lama oga in fursadaan la siiyay ciidanmada Booliiska Soomaaliyeed iyo inay ku egtahay kuwa shisheeye.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

May be an image of 7 people and people studyingMay be an image of 6 people and people studying

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here