Booliiska bariga dalka Hindiya ayaa toogasho ku dilay shabeel dhedig ah kaas oo dilay ugu yaraan sagaal qof tan iyo bishii May, oo ay ku jiraan haweeney iyo wiil ay dhashay oo siddeed jir ahaa Sabtidii.

Laba boqol oo shaqaale oo kaashanaya Maroodiyaal ayaa ka qayb qaatay ugaarsiga, oo ka dhacay meel u dhow kaynta Valmiki Tiger ee gobolka Bihar.

Dadka tuuladaas deggan oo argagax dareemayay xilliyada habeenkii ah isla markaana garaaci jiray daasadaha iyo waxyaabo kale si ay isaga ilaaliyaan shabeelka, ayaa dabaaldegay markii la toogtay.

Isku dayo hore oo lagu doonayay in si tartiib ah loogu qabto Shabeelkaan ayaa fashilmay.

 

Office Nairobi Kenya

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here