HomeWarkiiBooliiska Brirain oo xirey ku dhawaad 500 banaan-baxayaal taageersan qadiyada reer Gaza 

Booliiska Brirain oo xirey ku dhawaad 500 banaan-baxayaal taageersan qadiyada reer Gaza 

Booliiska London ayaa xiray in ka badan 466 qof oo ka mudaaharaadayay go’aanka Boqortooyada Ingiriiska ay ku mamnuucday koox u dhaq-dhqaaqda xuquuqda reer falastiin, taasoo calaamad u ah .

Dadkaan ku dhaw 5-ta boqol ruux ee Booliiska Britain xireen ayaa ka dhigeysa abid tiradii ugu badneyd ee mar kaliya loo xiro banaan-baxayaal taageersan reer Falastiin.

Xariga dadkan ayaa yimid ka dib markii boqolaal qof ay isugu soo baxeen fagaaraha baarlamaanka ee London sabtidii, iyagoo cambaareeyey dagaalka Israel ee Gaza, waxayna siteen boorar ay ku qoran yihiin, “Waxaan ka soo horjeedaa xasuuqa, waxaan taageersanahay tallaabada kooxda Falastiin”

Muuqaalo la soo galiyay online-ka ayaa muujinayay dibad baxayaasha oo dhulka fadhiya, qaarkoodna waxay ku dhawaaqayeen, “Gacanta Gaza ka bax!” Muuqaalka ayaa sidoo kale muujinaya dibad baxayaasha oo ay booliisku kaxaysanayaan.

Bilayska Metropolitan, oo bayaan ka soo saaray X, ayaa sheegay in 466 mudaaharaadayaal lagu xiray fagaaraha baarlamaanka 9pm saacada maxalliga ah (20:00 GMT) “si ay u muujiyaan taageerada falastiiniyiinta”. Waxa ay sheegtay in siddeed kale loogu xiray mudaaharaadka dambiyo kale, oo ay ku jiraan shan weerar oo lagu qaaday saraakiisha.

Kooxda soo abaabushay mudaaharaadka, Difaaca Xeerbeegtigeena, ayaa X ku sheegay in ilaa 800 oo qof ay kor u taageen calaamado, iyo in xadhiga in ka badan kala badh mudaharaadayaasha ay ka dhigan tahay “xarigii ugu balaadhnaa ee abid ay sameeyaan Booliska Met hal mudaaharaad”.

Waxay intaas ku dartay, “Dadku waxay si wada jir ah uga soo horjeedaan xasuuqa Gaza iyo mamnuucidda Tallaabada Falastiin.”

SOURCE ALJAZEERA
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COMPolice detain a protester in Londonpeople sit holding protest signs in front of the UK parliament

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -