HomeWarkiiBooliiska Dhuusa-mareeb oo dhalinyaro u soo xirey aflagaadeynta Madaxweyne Xassan

Booliiska Dhuusa-mareeb oo dhalinyaro u soo xirey aflagaadeynta Madaxweyne Xassan

Taliska Qeybta Guud ee Booliiska Galmudug ayaa warsaxaafadeed ka soo saaray Gabar iyo wiil loo soo xirey inay af;lagadeeyeen Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud.

Warsaxaafadeedka Galmudug ka soo baxay  ayaa sidan u qornaa:-

Dhuusamareeb – 20 Septembar 2025

Qeybta Guud ee Booliiska Galmudug, gaar ahaan Saldhigga Booliiska Caasimadda Dhuusamareeb, ayaa gacanta kusoo dhigay labo dhalinyaro ah oo lagu eedeeyay inay aflagaado u geysteen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Eedeysanayaasha ayaa lagu kala magacaabaa:

  • Falis Cabdulahi Cali
  • Cabdulahi Cabdilqaadir Ciise

Dhalinyaradan ayaa lagu tuhunsan yahay inay baraha bulshada, gaar ahaan TikTok, ku faafiyeen muuqaallo si cad ugu gafaya madaxda qaranka, taas oo dhaawacaysa sharafta iyo karaamada hoggaanka dalka. Eedeysanayaashu waxay hadda ku jiraan gacanta Booliiska Caasimadda, waxaana la horgeyn doonaa maxkamad awood u leh, si waafaqsan xeerarka dalka.

Taliska Booliiska Dhuusamareeb wuxuu shacabka ku wargelinayaa cid kasta oo ku howlan aflagaado, dacaayad iyo isku horkeen bulshada in laga qaadi doono tallaabo sharci ah.

Waxaan mar kale ugu baaqeynaa shacabka, ciidamada iyo dhammaan bulshada isticmaasha baraha bulshada in ay ka fogaadaan ficillada lidka ku ah amniga iyo kala dambeynta, isla markaana ay si dhow ula shaqeeyaan hay’adaha amniga si loo ilaaliyo xasilloonida iyo wada noolaanshaha bulshada.

Ugu dambeyn, Taliska Qeybta Guud ee Booliiska Galmudug wuxuu digniin adag u dirayaa dhammaan shacabka reer Galmudug in ay ka fogaadaan aflagaadada iyo faafinta muuqaallada dhaawacaya karaamada iyo sharafta madaxda qaranka.

DHAMMAAD

Xafiiska Warfaafinta – Taliska Qeybta Guud ee Booliiska GalmudugMay be an image of 1 person, headscarf, hospital and text

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -