GODINLABE (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo deegaanada Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug ayaa sheegaya in maanta Hay’adaha amnigu xabsiga dhigeen dhalinyaro badan oo ku eedeysan aflagaadeynta Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud.
Ciidamada Booliiska Gamudug ayaa howlga ay sameeyeen waxay ku soo xireen dhalinyaradaan oo ah titokers kuwaasoo la mid kuwii dhawaan Magaaalada Muqdisho lagu soo xirey xili iyaguna ku kaceen falkaan mid la mid ah.
Dhalinyaradan iska soo duubay iyagoo jilaya hees tii birmade Xassan oo dhanka kale iyo aflagaadeyntiisa loo badalay ayaa waxaa si gaar ah looga soo qabtay Magaalada Godinlabe ee Maamulka Galmudug waxayna hada ku jiraan xabsiga iyagoo maxkamad sugayaal ah.
Tirada hada Booliisku soo xireen ayaa ah 4 ruux kuwaasoo sedex ka mid ah ay wiilal yihiin halka qofka afaraadna uu yahay qof dumar ah kuwaasoo dhamaantood loo heysto fal danbi oo ah aflagaadeynta Madaxweynaha.



