MUQDISHO (DAYNIIILE.COM)-Ciidamada Booliiska ee sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad ayaa Saaka howlgal qorsheysan waxa ka fuliyeen deegaanaka Ceelasha biyaha ee duleedka Xamar.

Howlgalkaan oo ujeedkiisu ahaa mid amniga lagu xaqiijinayay ayay ciidamadu isku fidiyeen xaafadaha ceelasha biyaha kadibna baaritaano ayay sameeyeen.

Advertisement

Ciidamada waxay howlgalkooda ku soo qabqabteen dad ay ku tuhunsan yihiin inay alshabaab ku lug leeyihiin sida ay sheegtay idaacada shabeelle.

Dhawaan waxaa ceelasha biyaha ka dhacay qaraxyo qaar lagu weeraray ciidamada amaanka ee deegaankaasi ka howlgala iyadoo qaarkoodna sababeen khasaare nafeed.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleSoomaali Feer kaw kaga siiyay Soomaali kale
Next articleWararka ugu danbeeya Duhurnimadaan duqeymaha Yuhuudu ku heyso Gaza

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here