BALADWEYNE (DAYNIIILE.COM)-Deegaanka Shiir Kaneeco oo duleedka Waqooyi kaga beegan Magaalada Baladweyne waxaa maanta mar kale ku dagaalamay laba maleeshiyo beeleed.

Beelahaan oo isku haysta dhul beereed ayaa saaka waxa  dhex maray is rasaaseyn tasoo labada dhinacba khasaare nafeed gaarsiisay walow aan tira saxa laga heyn.

Advertisement

Ciidamad Booliiska Gobolka Hiiraan ee Maamulka Hirshabelle gaar ahaan kuwa Baladweyne ayaa ku baxay labadaas maleeshiyo beeleed iyagoona ku guulestay inay joojiyaan dagaalka islamarkaana dhex dhexaadin ka dhex bilaabaan.

Xalay iyo shalay ayay sidaas oo kale u dagaalameen labadaas maleeshiyo beeleed iyadoona lagu wado in booliisku xal u keeno colaadaan si dagaalku mar kale usoo laaban.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleDowlada Somalia oo wax ka qabatay cabashadii bajaajleyda
Next articleTaliyaba Booliiska Laas-caanood oo su’aalo weydiiyay Ninkii Dumarka iska dhigi jirey+Video

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here