MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Ciidamada Booliska oo kaashanaya kuwa nabad sugida Qaranka  ayaa weerar waxay ku qaadeen guriga  Xildhibaan Xaadoole oo ku yaal degmada Kaaraan  duhurnimadaan.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii kooxo maan dooriyaha ka ganacsada oo ciidanku daba joogeen ay galeen guriga xildhibaanka.

Advertisement

Dagaalka oo  sii yaraanaya ayaa la is dhaafsanayaa rasaas kala duwan oo ka dhaceysa hubka  labada dhinac.

Inkastoo dagaalku sidii hore ahayn oo hada rasaas teel trek ah ay dhaceyso  wali ma kala cada khasaaraha rasmiga ah walow la soo sheegayo inuu ku dhaawacmay Taliye xigeenka Booliiska Kaaraan.

Xildhibaanka ayaa loo badinayaa inuu ku maqan yahay shirka Baarlamaanka oo maanta  ka socda xarunta Villa Hargeysa.

Wixii ku soo kordha dagaalka oo wali socda wararkeena xiga ayaad kula socon kartaan insha Allah.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

Previous articleDAAWO: Aabaha dhalay Abwaan C/raxmaan Abees oo sheegaya inuu isagu ka danbeeyo xariga wiilkiisa
Next articleTaliyaha Booliiska Puntland oo Kenya kula kulmay Safiirka Dalka Sweden

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here