Kismaayo (dayniiile.com)-Ciidamo ka tirsan Booliiska Dowlad Goboleedka Jubaland ayaa la soo sheegayaa inay maanta fashaiyeen Miinooyin lagu aasay Deegaano ku dhaw Magaalada Kismaayo ee Xarunta Jubaland.

Ciidamada ayaa helay miinooyinka xili ay ku jireen howlgalo dhanka amniga ah waxayna ka heleen miinooyinkaan  inta u dhexeysa deegaanada Buulagaduud iyo Janaay Cabdalle oo ka wada tirsan gobolka Jubbada Hoose.

Advertisement

Sarkaal ka tirsan Booliiska Jubaland  oo lagu magacaabo dhamme Shukri Faarax Ducaale ayaa saxaafada u sheegay inay ka war heleen goobta lagu aasay miinooyinka ka hor inta aysan u dhaqaaqin howlgalka ay ku soo saareen.

Sarkaakaan ayaa Kooxda alshabaab ku eedeeyay inay ka danbeeyaan aasida miinooyinkaasi,wuxuu intaasi ku daray inay doonayeen sidii ay shacabka ugu dhibaateyn lahaayeen.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

No description available.No description available.No description available.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here