MIGORI (DAYNIILE.COM)-Booliiska Dalka Kenya ayaa gaaray tuulada Akoko ee hoos tagta ismaamulka Migori halkaasoo lagu dilay haweeney 78 jir ahayd magaceedana lagu sheegay Gaudensia Akumu Madanje.

Wiil ayeeyo u ahayd duqda oo iskuul ka yimid ayaa arkay meydka ayaayadiis wuxuuna ku war geliyay booliiska.

Advertisement

Ciidamada Booliiska Ismaamulka Migori ayaa hada wada baaritaano la xiriira sida dilka u dhacay xili duraba lagu tuhmay nin u dhashay dalka Tanzania.

Haweeneyda waayeelka ah ee la dilay waxaa jirkeeda laga helay calaamado muujinaya in la dilay sida ay sheegtay idaacada StarFM.

Ku xigeenka guddoomiye xaafadeedka goobta dilku ka dhacay John Kerry Otieno ayaa tilmaamay in wiilka yar uu xaqiijiyay in ayeeyadiis ugu war danbeysay subixii markuu iskuulka aadayay islamarkaana ay caafimaad qabtay.

Dhanka kale nin lagu tuhunsan yahay inuu dilka ka danbeeyay ayaa goobta ka baxasday waxaana baadi goobaya booliiska.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM 

Previous articleSaraakiil Somaliyed oo tababar ku qaadanaya dalka Qadar iyo Taliye Ibrahim oo booqday+SAWIRRO
Next articleAxmed Madoobe oo maanta daah-furey shir looga hadlay Kaluumeysiga+SAWIRRO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here