HomeWarkiiBooliiska Kenya oo boqolaal qof  xabsiga u taxaabay kadib xasilooni daro ka...

Booliiska Kenya oo boqolaal qof  xabsiga u taxaabay kadib xasilooni daro ka soo cusboonaatay Nairoobi.

NAIROBI (DAYNIILE.COM)-Booliiska Kenya ayaa Magaalada Nairobi waxay ka fuliyeen howlgal culus kadib cabasho dhanka amniga oo taagnayd dhowrkii bilood ee u danbeysay xili ay bateen kooxaha dadka dhaca.

Booliiska waxay xabsiga dhigeen ugu yaraan 300 ruux oo dhamaantood ku eedeysan inay qeyb ka ahaayeen falalka dhaca iyo amni xumida ee ku soo kordhay Magaalada Nairobi oo Soomaali badan ay ku dhaqan yihiin islamarkaana ganacsina ku heystaan.

Dhacdadii ugu danbeysay oo Soomaalia lidiga ku ah ayaa in haweeney Soomaaliyeed lagu dhex dilay maalmo ka hor Hotel ku yaal Xaafada Soomaalida ee South B inkastoo wararka ugu  badan sheegayaan inay iyada iyo nin la socday ay isla kireysteen hotelka laga helay meydkeeda xili ninkaasina uu baxsaday.

Taliyaha booliiska bartamaha Nairobi Philemon Nyakombo ayaa warbaahinta u sheegay in eedeysanayaasha la qabtay qaarkood hubeysnaayeen islamarkana amniga qatar ku ahaayeen,durba waxaa maxkamad la soo taagay qaarkood kuwaasoo ku eedeysan dhac iyo rabshado.

Hay’adaha amniga Kenya ee gacanta ku haya kiiska eedeysanayaashaan dhaca lagu tuhunsan yahay ayaa ka dabladay dadka dhibanayaasha ah ee dhaca loo geystay inay xogta ay hayaan u soo gudbiyaan si ay gacan uga geystaan xoojinta kiisaska eedeysanayaasha.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -