NAIROBI (DAYNIILE.COM)-Ciidamada Booliiska Kenya ayaa Caasimada Nairobi ka qabtay laba haween Soomali ah kuwaasoo watay lacag aad u badan oo ay ku sheegeen been abuur .
Waaxda danbi baarista Kenya ee DCI ayaa la sheegay inay ku raad joogeen gabdhaha ugu danbeyna gacanta ku soo dhigeen Haweenkaan Sooamaaliyeed oo watay lacag dhan 560,kun oo Doolar oo u dhiganta 70 Milyan lacagta Kenya.
lLabada Haween ee Soomaalida ah waxaa magacyadooda lagu kala sheegay Ifarax Cali Jeytre iyo Qamar Salaad Cabdi kuwaasoo hada gacanta ugu jira Hay’ada danbi baarista waxaana ku socda baaris dheraad ah.
Su’aalaha taagan ayaa ah waxa ku kalifay kara Gabdhahaan soomaaliyeed inay lacag saas u badan ku dhiiradaan inay soo qaadaan oo waliba hadana lagu sheegay lacag faalso ah.
Baraha bulshada Kenya ayaa aad looga falanqeynayaa xariga gabdhahaan Soomaaliyeed iyo cadadka lacagta lagu qabtay iyagoo boorso ku wada walina faah-faahin kama soo bixin Hay’adaha danbi baarista.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
