NAIROBI (DAYNIIILE.COM)- Booliiska Kenya ayaa xabsiga u taxaabay gacan ku dhiigle ajnabi ah kadib markii uu dil arxan daran ah u gaystay Gabar Kenyaati  20 jir ardayad ahayd.

Ninkaan ayaa la qabtay xili ay u rabay inuu ku dhoofo baasboorka dalka Mozambique,waxaana loo taxaabay xabsiga.

Gabadha la dilay oo lagu magacaabi jirey Rita Waeni ayay Booliisku sheegeen inuu jirkeeda jar jaray markii uu dilaayay.

Advertisement

Wararka waxay intaasi ku darayaan in dilkaani uu ka dhacay Magaalada Nayroobi gaar ahaan guri waqti kooban ijaar loogu jiray,qoyska gabadha la dilay ayaa booliiska la wadaagay dhagaro kale oo dilaagu la damacsana qoyska kadib markuu dilay.

Qoyska oo u waramaayay Booliska ayaa sheegay in ninka ajnabiga ah uu dilka kadib isticmaalay taleefoonka gabadhooda isagoo fariimo uu ka soo dhex diraayay ku sheegay inay afduuban tahay gabadha sidaas daraadeedna uu ka rabo lacag madax furasho ah.

Qoyska gabadha waxay xuseen Arbacadii inuu dalbaday gacan ku dhiiglaha lacag madax-furasho ah oo dhan 500,000 oo shilinka Kenya ah oo u dhiganta ($3,100) 24 saac gudahood si uu u sii daayo Gabadha balse xiligaasi gabadhu maba noola oo intuu dilay ayuu jar jaray.

Ugu danbeyn waxaa la qabtay isagoo rabay inuu ku safro baasaboorka dalka Mozambique.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleFahad Yaasiin oo Amaan iyo dhaliil ku aadan qadiyada Somalia u soo jeediyay Madaxweynaha Somaliya
Next articleDowladda Imaaraadka oo taageertay madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Somalia

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here