LAAS-CAANOOD (DAYNIILE.COM)-Taliska Booliiska Maamul Goboleedka Waqooyi Bari Somalia ayaa howlga;l ay ka sameeyeen xaafadaha Magaalada Laas-caanood waxay ku soo qabteen eedeysane Cabdiraxmaan Axmed Aadan kaasoo ay ku heleen isagoo ka ganacsanaya waxyabaha maanka dooriya.
War ka soo baxay Taliska Booliiska ee Magaalada Laas-caanood ayay sidoo kale waxay ku sheegeen eedeysanaha o 20 jir ay gacanta ku hayaan islamarkaana ay dhawaan sharciga hor geyn doonaan si loogu qaado ciqaabta uu mudan yahay.
“Ciidanka Booliska ee Dawlada Waqooyi Bari ayaa gacanta ku soo dhigay eedeysane Cabdiraxmaan Axmed Aadan (Ina Sahra Khaliif Maxamed), oo ah nin 20 jir ah, kaas oo lagu qabtay isaga oo ku hawlanaa ganacsiga mukhaadaraadka iyo khamriga” ayaa lagu yiri war qoraala oo Taliska Booliisku soo saareen
Taliska wuxuu intaasi ku daray in waxyaabaha maanka dooriya sida khamriga uu saameyn taban ku yeeshay dhalinyarada iyo bulshada guud ahaan.
“marka baaritaannada hordhaca ah la soo gabagabeeyo ayaa garsoorka la hor geyn doonaa eedeysane C/raxmaan Axmed Aadan” ayaa mar kale lagu yiri warka ka soo baxay Taliska Booliska Laas-caanood
Dhanka kale Boolisku waxay xuseen inay sii wadi doonaan dagaalka ka dhanka ah mukhaadaraadka iyo khamriga oo halis ku ah mustaqbalka dhalinyarada.
“Bulshada waxaan ugu baaqeynaa inay nala soo xiriiraanhaddii ay arkaan dad ku lug leh falal noocan oo kale ah.” ayaa lagu soo gabagabeeyay warka ka soo baxay Taliska Booliiska Maamulka cusub ee Waqooyi Bari Somalia .
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

