HomeWarkiiBooliiska Maamulka Somaliland oo qirtay tacadiga Hargeysa loogu geystay qoys u dhashay...

Booliiska Maamulka Somaliland oo qirtay tacadiga Hargeysa loogu geystay qoys u dhashay Dalka Suuriya

Taliska Booliiska Maamulka Somaliland ayaa war ka soo saaray Qoys Dalka Suuriya u dhashay oo ay ciidamada Somaliland Hargeysa tacadiga ugu geysteen xili muuqaal laga duubay uu ku faafay baraha bulshada .

Taliska Booliiska Maamulka Soomaaliyeed ee Gobolada Waqooyi waxay cadeeheen inay ka xun yihiin sida wax u dhaceen iyo tacadiga loo geystay ajaanibta reer Suuriya xili Aabo Suuriyaan ah uu muuqaal iska soo duubay uu ku cadeeyay xad-gudubka loo geystay isagoo waliba sheegay inaan wax waqad dacwo ah ama soo qabasho ah loola iman balse garaacis lagu bilaabay.

Hadaba halkaan ka akhriso qoraalka Taliska Booliska Maamulka gooni-goosadka  Somaliland oo sidiisa u qoran:-

Taliska Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu halkan ku caddaynayaa wararka lagu baahiyey baraha bulshada ee la xidhiidha kiis nin u dhashay dalka Suuriya, kaas oo muuqaallo ku faafiyey baraha bulshada, kana cabaanayay qaabkii loo qabtay.

Taliska Ciidanka Boolisku waxa uu xaqiijinayaa in ninkaasi Maxkamadda Degmada Hargeysa ay u soo jartay waaran qabasho ah.
Si kastaba ha ahaatee, Taliska Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu si aada uga xun yahay qaabka ay wax u dhaceen intii hawlgalkaasi socday. Sidaas darteed, waxa si degdeg ah tallaabo looga qaaday Askartii falkaas samaysay , waxaana haatan socda baadhitaan dheeraad ah.
Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland waxa mar walba ka go’an ilaalinta sharciga, dhowrista xuquuqda muwaadiniinta iyo dadka ku sugan dalka, si waafaqsan Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland iyo xeerarka dalka u yaalla.
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -